|
Jowhar, (insidesomalia.org)- Ciidamadii Iitoobyank ahaa ee Fariisimaha ka sameeystay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka shabelaha dhexe ayaa dib uga guuray halkasi kadib markii ay ku sugnaayeen labo cesho oo kaliya.
Cidamadani Itoobiyaanka ahaa oo watay ku dhawaad 10 Gawaarida Dagaalka ee loo yaqaan Uralada oo maalintii doraad ahaa gaaray Magaalada Jowhar ayaa u soo ruqaansaday dhanka Magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka tageen.
Dadka ku nool Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay saaka ku waaberiisteen, iyadoo ay faaruq yihiin Goobihii ay ka degenaayeen Ciidamada Itoobiya, taasi oo ka yaabisay waxa keenay in ay ka baxaan iyo weliba sababta ay markii hore ay u degeen halkasi.
Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay kala hadleen Xaalada Amaan ee Magaalada Jowhar.
Nabadoon Cali Shiikh oo ka mid ahaa Odayaashii shalay kulanka la qaatay Ciidamada itoobiyaanka oo Saxaafada u waramayay ayaa sheegay in Cidamada Itoobiyanka ay ka codsadeen in ay ku soo war galiyaan cid waliba ee Amaanka wax u dhimeeysa iyo weliba xoogaga ka soo hor jeeda Dowladda hadii ay soo galaan Magaalada Jowhar.
Ka bixitaanka CiidamadaItoobiyaanka ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa si weeyn u soo dhaweeyay Shacbka ku nool Magaaladsi gaar ahaa Xaafada Baryare ee Magaaladsi, kuwasi oo ka cabsi qabay in ay waxyeelo u geeystaan Ciidamada Itoobiyaanka.
Ma’ahan markii ugu horeeysay ee ay Ciidamada Itoobiyaanka galaan Magaalada Jowhar.
|